Cabdifitaax Cabdinuur oo ahaa askari, dhawaana wiil Yemeni ah ku uleeyey Suuqa Garoowe, ayaa maxkamad ku xukuntay 4 sano oo xarig ah, $1500 oo Magdhaw ah, Raaligalin iyo sannad uusan xarumaha dadweynaha waxba shaqo ka qaban karin.
Maamulka degmada Garoowe iyo dadka Puntland ayaa si xoogan uga horyimi hab-dhaqankii Askarigan uu sameeyey, waxaana la mariyey Hay’addaha sharciga, iyadoo wiilka Ajnabiga ahna la maamusay, si looga raali galiyo falkii ka dhanka ahaa xaquuqda aadanaha.
Hase ahaatee Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo ka tirsan golaha shacabka baarlamanka Somalia ayaa xukunkaas ka hor yimid kuna tilmaamay mid cadaadlad ah oo laga badbadiyey
“Falkii uu gaystay Abdifitah Abdinur oo aha ninkii wiilka yar oo qaxootiga ah u gacanqaday, waxaa si fiican uga jawabaay bulshada reer puntland oo dhan gaar ahaan gudoomiyha degmada Garowe iyo Wasiirka haweenka Puntland, aadna waa loo buunbuuniyay, askarigiina waa la soo xiray, intaasaana xaalmarin ugu filnayd wiilkii lagu xadgubay, waxaa xaqdaro iyo tacadi ah xukunka maxkamada oo lagu xukumay Abdifitah abdinur, waxaa la dayacay caruurtii uu dhalay askariga Soomaaliyeed, waxay maxkamadu meel uga dhacday Muwaadinimadii oo ay ka sara marisay ajnabinimadii, aad baan uga soo horjeeda xukunka maxkamada” ayuu yiri Xildhibaan Sanyare oo ka mid ah xildhibaanada ka soo jeeda Puntland.