Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal ganacsi oo ka dhex qarxay Milkiileyaasha Shirkaddaha Twitter iyo Facebook

Elon Musk milkiilaha Twitter ayaa goordhow Jirjiroole ku tilmaamay madaxa shirkada Meta Mark Zuckerberg oo aasaasay aalada cusub ee threads oo u qaab eg Twitterka.

“Wax aan 44 bilyan ku qarash gareeyay Twitterka, Wiil jirjiroole ah ayaa hadda Copy iyo Past isticmaalaya. Waa inoo fagaaraha dagaalka” ayuu yiri Elon Musk oo dagaal shaqsi ah iclaamiyay.

Elon Musk iyo Mark Zuckerberg ayaa dagaal feer Ah isku balansanaya si cad.

Toban milyan oo cinwaan ayaa iska diiwaan galiyay barnaamijka cusub ee shirkadda Meta hawada soo gelisay ee lagu  magacaabo Threads todobadii saacadood ee ugu horeyaysay, sidaas waxaa yiri mulkiilaha shirkadda Mark Zuckerberg.

Barnaamijka ayuu la yimid si uu ula xifaaltimo Twitter oo ay loolamaan, kaasoo bishii October uu la wareegay Elon Musk.

Khubaro ayaa qabta in Threads uu soo jiidan karo qaar kamid dadka isticmaala Twitter ee aan ku faraxsanayn isbadallada dhawaan la sameeyay Elon musk.

Mark Zuckerberg ayaa sheegay in barnaamijkan uu noqon doono mid saaxiib la ah dadka, taasina ay horseedi doonto guusha madashan.

Balse Musk ayaa ku jawaabay:”Dhab ahaantii waxaa fiican in dad aadan garanayn ay kugu dhex weeraraan Twitter intii aad ku raaxeysan lahayd farxadda beenta ah ee xanuunka la qarsado ee dhextaalla Instgram.

Talaabadan ayaa ah tii ugu dambaysay xifaaltanka u dhaxeeya Labada nin ee kala leh labada shirkadood ee Meta iyo Twitter Mark Zuckerberg iyo Elon Musk.

Dhinaca kale, Shirkadda sharci ee Silicon Valley oo matalaysa Elon Musk ayaa waxay u dirtay Meta warqad ay ku dalbanayso in la joojiyo appka cusub, iyadoo ku eedaysay inuu si ula kac ah oo sharci darro ah u xadayo xogta aqooneed ee Twitter-ka

Spiro ayaa sheeganaysa in Meta ay shaqaalaysiisay daraasiin ka mid ah shaqaalihii hore ee Twitter-ka” sanadkii la soo dhaafay, iyadoo la heli karo sirta ganacsiga ee shirkadda iyo macluumaad kale oo sir ah”, kuwaasoo ay u adeegsadeen inay ku horumariyaan appka Threads oo ay ku tilmaameen app koobi ah.

“Twitter waxa ay doonaysaa in ay si adag u xoojiso ilaalinta xuquuqdeeda lahaanshaha, waxayna dalbanaysaa in Meta ay qaaddo tillaabooyin deg deg ah si ay u joojiso isticmaalka siraha ganacsiga Twitter-ka ama macluumaadka kale ee sirta ah,” Spiro ayaa qoray.

Musk laftiisa ayaa ka faallooday wararka ku saabsan warqaddan isagoo soo tweet gareeyey, “Tartanku waa fiican yahay, khiyaanase maya.”

Hase ahaatee Afhayeenka Meta Andy Stone ayaa iska fogeeyey eedaymaha Twitter-ka. “Ma jiro qof ka tirsan kooxda injineernimada Threads oo shaqaale hore ka ahaa Twitter – taasi maaha wax jira.” ayuu yiri.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Rooble oo goobjoog ka ah Munaasabadda dhaarinta Xildhibaanada labada aqal (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidamada Xoogga dalka oo Al-Shabaab kala wareegay degaano cusub (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Midowga Afrika oo ka hadlay Farogelinta Wadamo Shisheeye ku hayaan Soomaaliya

Cabdi Cade