Al Shabaab oo soo bandhigtay Sargaal kasoo goostay Ciidanka Jubbaland (Daawo Sawirada)

Xarakada Al Shabaab ayaa magaalada Jilib ee gobolka Jubada Dhaxe waxa ay kusoo bandhigtay sargaal ay sheegeen in uu katirsanaa ciidamada Asluubta ee maamulka Jubbaland .

Al Shabaab ayaa shaacisay in uu isku soo dhiibay Nuur Yuusuf Saneey oo ay sheegeen in  uu ahaa Taliyihii heestay Xabsiga dhexe ee magaalada Kismaayo, waxaana ninkan lasoo bandhigay isaga oo xiran dareeskaciidanka  asluubta sidoo kale wata qoray AK-47 .

Wareysi uu siiyay Warbaahinta Al Shabaab ayaa askarigan lasoo bandhigay ku sheegay in uu go’aansaday in uu kasoo baxo ciidamada Jubbaland, waxa uuna sheegay in Ciidamada Nabad sugida Kismaayo dhibaato xoogan ku hayaan shacabka.

Al Shabaab ayaa marar badan Jilib iyo deegaano kale waxa ay kusoo bandhigeen ciidamo ay sheegeen in ay kasoo goosteen maamulka Jubbaland, mana jiro wax war ah uu Maamulka Axmed Madoobe kasoo saaro askartan Al Shababa soo bandhigaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -