Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Eritrea oo is gacan qaaday (Daawo Sawirada)

Magaalada Jiddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya waxaa kulan gaar ah ku yeeshay Madaxweynayaasha Wadamada Jabuuti iyo Eritrea Ismaaciil Cumar Geelle iyo  Isaias Afwerki .

Labada Madaxweyne ayaa is gacan qaaday iyaga oo isku muujinaya dareen farxadeed ,waxaana la filayaa in ay yeeshaan kulamo dheeraad ah kana heshiiyaan colaada dhinaca xadka ah ee ka dhax aloosan Jabuuti iyo Eritrea.

 

Boqorka Sacuudiga ayaa kulamo kala gooni ah horey ula qaatay Madaxda Wadamada Jabuuti iyo Eritria, waxa uuna Boqorka ka shaqeeyay sidii ay labada Madaxweyne ee Jabuuti iyo Eritrea u wada hadli lahaayeen.

Kulanka ay Sacuudiga ku yeesheen Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Eritrea ayaa daba socoto booqasho dhawaan dalka Jabuuti ku tagay Wasiirka Arimaha Dibadda Eritrea ay wehliyeen Wasiirada Arimaha Dibada Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sacuudiga ayaa door weyn ka qaadanaya in ay heshiisiiyaan Jabuuti iyo Eritrea oo u dhaxeeyo khilaaf dhinaca xadka ah, waxaana hada Sacuudiga kuwada sugan Madaxda Wadamada Jabuuti, Itoobiya iyo Eritrea.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -