Faahfaahin: Dagaal culus oo caawa ka dhacay duleedka Magaalada Jowhar

Dagaal culus ayaa caawa ka dhacay degaanka Fiidow ee ku yaalla meel qiyaastii 50-km Woqooyi kaga beegan magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe kaasoo dhexmaray ciidamo ka tirsan AMISOM iyo Xoogaga Al-Shabaab

Sida ay sheegayaan Wararka halkaas naga soo gaaraya dagaalka ayaa qarxay markii jidka loo galay ciidamo Jabuutiyaan ah oo saaka soo gaaray Jowhar, dibna ugu laabanayey degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan oo saaka ay ka soo ambabaxeen.

Waxaa la isku adeegsaday dagaalkan hub kala duwan oo ay ku jiraan kuwo culus oo daryankooda laga maqlayey meelo ka durugsan goobaha lagu dagaalamayey.

Lama oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay dagaalkan ee kala gaaray labada dhinac iyo shacabka ka dhow degaanada dagaalku ka dhacay, waxaana haatan degan xaalada goobaha la isku fara saaray, xiliga oo habeen ah awgeedna faahfaahin badan lagama heli karo dagaalkan iyo saameynta ka dhalatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -