Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Waa sidee saaka xaalada Laascaanood ka dib dagaaladii shalay ka dhacay?

Xaalada magaalada Laascaanood ayaa saaka degan ka dib dagaal culus oo shalay ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC.

Dad aad u yar oo jooga magaalada ayaa la sheegaya iney Maalinta koowaad ee Ciidul adxaa ku tukanayaan masaajido ku yaalla, iyadoo inta badan shacabka magaalada ay horey u barakaceen.

Wararka ayaa sheegaya dagaalka shalay uu ka xoog badnaa dagaalladii dhowaanahan ka dhacayay Magaalada Laascaanood.

Labada ciidan ayaa weli isku hor fadhiya daafaha Magaalada, waxaana daqiiqad kasta la filan karaa in dagaaladu ay dib u qarxaan.

Maamulka Somaliland ayaa dhawaan ku goodiyay inay ciidankeeda soo gelineyso magaalada Laascaanood, iyadoo sheegtay inuu ka dhamaaday dulqaadkii ay u haysay waxay ugu yeertay duullaanka Laascaanood lagu soo qaaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Maxkamadda G/Banaadir oo baafineysa Masuul katirsan dowladda oo loo heesto dambiyo

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo shaaciyey arrin ciqaab adag lagu muteysanayo

Caydiid Ali

Tobias Billström oo kulan xasaasi ah la qaatay Diblomaasiyiinta dalalka Islaamka (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---