Amiirka Qadar oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Somalia u fadhinaya Qadar

Amiirka dalka Qadar Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani ayaa warqadaha aqoonsiga safiirnimo waxa uu ka gudoomay Safiirka cusub ee dowlada Soomaaliya u magacawday in uu u fadhiyo dalka Qadar.

Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Qadar C/risaaq Faarax Cali ayaa gaaray magaalada Doha ee caasimada dalka Qadar, waxaana safiirka qasriga dalkaasi looga taliyo Warqadaha aqoonsiga uga gudoomay Amiir Tamim Bin Xamad.

Danjire C/risaaq Faarax ayaa Amiirka Qadar gaarsiiyay dhambaal salaan iyo fariin isugu jirtay uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Safiirkan cusub ee dowlada Soomaaliya u magacawday dalka Qadar ayaa horey usoo noqday Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Cumaan, waxaana dhawaan dowlada u magacawday in uu noqdo safiirka dowlada u fadhin doona dalka Qadar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -