Allbanaadir.com
NEWS

Somalia oo sanadkan xoolihii ugu badnaa u dhoofisay Sacuudiga & dalal kale (Tirada)

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Xassan Xuseen Maxamed ayaa sheegay in In ka badan malyan iyo labo boqol oo neef oo xoolo ah sanadkaan laga dhoofiyay gudaha dalka Soomaaliya.

Xassan Xuseen Maxamed oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in dhoofinta xoolaha ee sanadkaan ay yihiin tiro ka badan kuwii la dhoofin jiray sanadihii lasoo dhaafay,sababo la xiriira iyadoo uu soo wanaagsanaanaayo xiriirka wax wada qabsi ee u dhaxeeya dalal kamid ah Soomaaliya iyo kuwa dunida.

Waxaa uu xusay in suuqa iibgeynta xoolaha Soomaaliya uu soo hagaagayo, sidaa daraadeedna loo baahan yahay in maalgashi lagu sameeyo ganacsiga xoolaha si loo kobciyo tiro ahaan iyo tayo ahaan.

Dhoofinta xoolahaan ayaa illaa hadda ka socota dekedaha Berbera,Boosaaso ,Muqdisho iyo kuwo kale,iyagoo ku socda dalalka Sacuudiga Lubnaan, UAE, Cumaan iyo kuwo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaaliya iyo Sudan oo kawada hadlay arrimo ay kamid yihiin caqabado lacageed oo taagan (Sawirro)

Cabdi Cade

(Daawo) Xog dheeri ah oo laga helay Qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho

admin

(Sawirro) Wasiir ka tirsan Dowlada Somalia oo booqday dhaawacyada ciidanka SSC

Caydiid Ali
Taboola Ads ---