Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sababta DF u taageertay Maamulka Axmed Madoobe u Magaacabay Gedo

Wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta dowladda federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay khilaafka ka taagan Maamulka cusub ee dhawaan Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) u magacaabay gobolka Gedo.

Fiqi ayaa sheegay in maadama gobolkaasi uu ka mid yahay Jubaland ay dowladdu ku saxan tahay inay ku taageerto Jubbaland maamulka ay magacowday.

Wuxuu sheegay in dalku uu yahay federaal, ka wasiir ahaanna uu mowqifkiisu yahay midka dowladda, isagoo muujiyay in tallaabadaas sabab looga hor yimaado aaney jirin.

“In dib u heshiisiin laga sameeyo khilaafka ka tagaan Gedo waa arrin kalem balse muran kama taagna in Madaxweynaha Juubaland uu awood sharci ah u leeyahay inuu maamul u magacaabo” ayuu yiri Fiqi

Wasiir Fiqi ayaa xusay in khilaafka ka taagan gobolka Gedo oo sii xoogeystay dhawaan ay abuurtay dowladii Madaxweyne Farmaajo, isagoo xusay in dowladiisu ay dedaal ugu jirto sidii xal waara loogu heli lahaa..

Wasiirka amniga gudaha ee xukuumada Somalia oo ka soo jeeda gobolka Gedo ayaa horey uga hor yimid Maamulka uu magacaabay Axmed Madoobe, isagoo xusay in shacabka gobolka Gedo aysan rabin maamul dusha looga keenay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Telefishinka Horyaal iyo Raadiyo Kulmiye Kala Ayaan Wacan !!!

Cabdi Cade

Ciyaartoydii Xulka Kubada Cagta dalka Ghana oo la kala eryay & Sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Xabad joojin looga dhawaaqay dalka Liibiya iyo sababaha soo dedejiyay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---