Allbanaadir.com
NEWS

Xisbiga Farmaajo oo shaaciyay in Cali Yare Cali uusan kamid aheyn Nabad iyo Nolol

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska afhayeenka madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaaji Farmaajo ayaa lagu cadeeyay in xisbigooda Nabad iyo Nolol uusan kamid aheyn guddoomiye kuxigeenkii hore ee amniga G/Banaadir Cali Cabdi Wardheere .

Qoraal kasoo baxay xafiiska Farmaajo ayaa lagu sheegay in Cali Yare si iskiis ah u go’aansaday in uu isaga baxo Nabad iyo Nolol, waxa ayna xuseen in Cali Yare doortay in uu la shaqeeyo dhinacyo kale oo siyaasadeed.

”Waxaan cid walba oo ay khusayso la wadaagaynaa in Mudane Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) uu waqti hore go’aan isaga ka soo fuley oo uu si iskiis ah u go’aansaday in uu ka baxo Nabad iyo Nolol, go’aankaasna uu mar hore la wadaagay hoggaanka Nabad iyo Nolol, wuxuuna doortay in uu la shaqeeyo dhinacyo kale oo siyaasadeed” ayaa lau yiri qoraalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo Malaayiin dolar dul dhigay madaxa Afhayeenka Al-shabaab Cali Dheere

Caydiid Ali

Shiinaha oo xanibaad saaray 18 shirkadood oo Mareykan ah

Caydiid Ali

Aadan Madoobe oo shir xasaasi ah la qaatay James Swan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---