Allbanaadir.com
NEWS

Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo lala beegsaday Ciidamada AMISOM

Masuuliyiinta degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan ayaa xaqiijiyay in askari ka tirsan ciidamada AMISOM uu dhintay ka dib markii qarax miino lala eegtay gaari ay wateen ciidamada Jabuuti ee ku sugan degmadaasi.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhacay banaanka hore ee garoonka dayuuradaha degmada Buulo Burde wax yar ka hor intii aanay garoonka soo caga dhiganin dayuurad ka  timid Magaalada Baladweyne.

Guddoomiyaha degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan Cabdi Daahir Guure (Karoore) ayaa sheegay inay jiraan dhaawacyo kale oo Ciidamada AMISOM ka soo gaaray qaraxaasi kuwaasoo qaarkood uu sheegay iney xaaladoodu liidato.

Mas’uuliyadda Qaraxaasi ayaa waxaa sheegtay kooxda Al-shabaab, waxaana warar ay ku faafiyeen bogaga taageera ay ku sheegteen inay ku dileen ciidamo badan oo ka tirsan AMISOM.

Dhinaca kale, saldhig ciidamada Itoobiya ku leeyihiin duleedka magaalada Xudur ee Bakool ayaa xalay saqdii dhexe madaafiic hoobiyeyaal ah lagu weeraray, iyadoo ciidamada Itoobiya ay ku jawaabeen madaafiic kale, lamana oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay madaafiicda xalay la isku weydaarsaday halkaas.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Wasiir Ahmed Isse Awad oo xilkiisa si rasmi ah ula Wareegay 

admin

Qarax caawa ka dhacay Muqdisho & xarun Shirkad Isgaarsiineed oo lala beegsaday

Caydiid Ali

Somalia oo cadeymo ku heysa Kenya ka dib dagaalkii Belad-xaawo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---