Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Caruur ay dayuurad la burburtay oo afartan cisho ka dib la helay iyagoo nool (Sawirro)

Afar carruur ah ayaa nolol lagu helay ,iyagoo jooga kaymaha Colombia in ka badan shan toddobaad, ka dib markii ay burburtay diyaaradii ay la socdeen oo sidday illaa 7 ruux sida uu sheegay madaxweynaha Colombia Gustavo Petro.

Ciidamada ayaa soo badbaadiyay carruurtaan oo ku sugnaa meel u dhow xuduudka u dhexeeya gobollada Caqueta ee Colombia iyo Guaviare, oo u dhow halka ay diyaaradda yar ku burburtay.

Diyaaradda oo nooceedu ahaa Cessna 206 – ayaa siday toddobo qof ,waxaana diyaaradaasi la waayey ama ugu war dambeysay 1-dii May ,kadib kolkii ay ku timid cilad xagga mishiinka ah.

.Saddex qof oo waaweyn oo uu ku jiro duuliyihii diyaaradda iyo hooyada dhashay carruurta ayaa ku dhintay shilka diyaaradda, waxaana meydadkooda laga helay diyaaradda gudaheeda.

Afarta carruur ah ayaa da’dooda lagu  kala sheegay 13, 9 , 4 iyo sidoo kale ilmo jira 12 bilood,waxaana saaka aroortii la geeyay caasimadda Bogota  si loogu daweeyo.

Narcizo Mucutuy, oo ah awoowaha caruurtaasi, ayaa saxaafadda u sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay nolosha caruurtiisa,wuxuuna u mahadceliyay ciidamada Kolombiya.

Madaxweynaha Colombia  Petro ayaa farriin uu soo dhigay Twitter-ka ku yidhi “badbaadinta caruurtaasi farxad ayeey u tahay dalka oo dhan”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Rooble & wafdi uu horkacayey oo Muqdisho ku soo laabtay

Caydiid Ali

Rabshadihii ka socday France oo sii xoogeysanaya & Madaxweyne Macron oo..(Sawirro)

Caydiid Ali

Galmudug oo Shaacisay sida laga yeelayo haddii ay qabtaan Sheekh Shaakir iyo Xubnaha la socda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---