Galmudug oo kulan deg deg ah ka yeelatay Caronavirus iyo go,aano lasoo saaray (Daawo Sawirada)

Kulankaan ayaa u dhaxeeyey wasaarada Caafimaadka Galmudug iyo Hay’adaha ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka, nafaqada iyo nadaafadda ee ka howlagala deegaanada Galmudug.

Shirkaan waxa soo agaasimay wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada Dowlad Goboleedka Galmudug.

Ugu horreyn, agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka, Dr. C/wali Axmed Maxamuud ayaa Shirka furay waxa uuna sheegay in ujeedkan kulankani yahay sidii looga gaashaaman lahaa Faafitaan Covid-19 oo kiiskii ugu horeeyey laga diiwaangaliyey Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne kuxigeenka dowlad goboleedka Galmudug Mudane, Cali Ciid  oo kulanka ka hadlay ayaa lamaha Amniga iyo kuwa Caafimadka Galmudug faray in la baaro qof kasta oo ka soo gudba Xuduuda Wadanka anu dariska nahay ee Itobiya oo laga helay 5 kiis oo karoona Virus ah.

Sido kale waxaa uu ugu baqay Hay,adaha Calamka in ay Galmudug ka taageren ka hortaga Cabuqaan.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu faray Wasaaradda Caafimadka in 6da Airport ee Galmudug la dhigo qalabka baritaanka islamarkana laga sameeyo xarumo karantiil.

Ugu danbeyntii, Mudane Cali Ciid oo shirka soo gunaanuday ayaa faray hay’adaha ka shaqeeya dhanka caafimaadka ay u guntadaan u diyaar garowga ka hortagga iyo mareynta caabuqa sida fudud ku faafafa ee Coronavirus (Covid-19).

Madaxweyne KXG ayaa ugu baaqay shacabka Galmudug in ay u hoggaansamaan talooyinka caafimaad iyo awaamiirta ku aadan hortaga faafidda cudurka Covid-19 oo ay ugu horreyso in la joogteeyo nadaafadda

- Advertisement -