Nin Dil u geestay Gabar iyo Hooyadeed oo la xiray (Daawo Sawirada)

Ciidamada booliiska dalka Britian ayaa baadi goob kadib gacanta kusoo dhigay nin dhalinyaro ah lagu eedeeyay in dil argagax leh u geestay gabar ay saaxiibo ahaayeen iyo Hooyadeed .

Janbaz Tarin oo 21-sano jir ah ayaa lagu eedeeyay in uu dilay Raneem Oudeh oo 22 jir ahayd, iyo hooyadeed Khaola Saleem oo 49 jir ahayd , dilka gabadha iyo hooyadeed ayaa ka dhacay gurigooda , waxaana dilka loo adeegsaday toorey.

Ninka dilka geestay oo baxsad ku jiray ayaa ugu dambeyn ciidamada booliiska waxa ay kasoo qabteen xaafadda Sparkhill ee magaalada Birmingham, waxaana ninkan eedeesanaha ah ku socda baaritaano.

Laamaha amaanka ayaa horay shacabka uga codsaday in ay u soo gudbiyaan macluumaadka la xiriira dhacdadaas, ayagoo qofkii horseeda xarigga ninkaas u ballan qaaday abaal marin lacageed oo gaareysa £5,000.

Shacabka Britian ayaa la sheegay in gacan ka siiyeen laamaha amaanka sidii ninkan gacan ku dhiiglaha ah loo soo xiri lahaa, waxaana dilka ninkna lagu eedeeyay si weyn uga argagaxay dadka Britian oo dhacdadan warbaahinta ka arkay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -