Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Guudlaawe oo kormeer ku sameeyay xaafado uu ku fatahay Wabiga Shabelle (Sawirro)

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kormeer u kuurgal ah ku sameeyay qeybo kamid ah xaafadaha Magaalada Beledweyne oo uu ku fatahay Wabiga Shabeelle.

madaxweynaha oo ay wehliyaan Xildhibaano iyo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa socod ku maray buundada nuurxawaad iyo qeybo kamid ah xaafadaha Magaalada oo barakac baahsan uu ka socday iyadoo Wabiga uu ku fatahay xaafadaha kala duwan ee Magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha ayaa booqday deegaanka Ceeljaale oo ay kusoo barakaceen qeybo kamid ah dadkii deganaa Magaalada oo ay saameeyeen fatahaadaha.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Magaalada Beledweyne ay ka jirto xaalad bini’aadanimo tii ugu darneyd iyadoo Magaalada badankeed laga barakacay, dadka qaarna ay ku go’doonsan yihiin Xaafadaha,

Maraxweynaha ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka, Shacabka Soomaaliyeed iyo Hay’adaha samafalka inay si deg deg ah ugu soo gurmadaan shacabka Beledweyne oo ay saameeyeen musiibada fatahaadaha Wabiga Shabeelle.

default

Related posts

Saciid Ciise: “Maamul Goboleedyo falaago ah in lakala xigsado ma haboona”

Caydiid Ali

Madaxweynaha Ukraine oo fariin xasaasi ah u diray dhigiisa Ruushka, kana dalbaday..

Caydiid Ali

Meydka Shan jirkii 5 maalmood ku xanibnaa Ceelka oo la aasay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---