Magaalo ku taalla dalka Jarmalka oo laga qaxay & Sababta ka dambeysa (Daawo Sawirro)

Magaalo Jarmalka ku taalla ayaa muddo lix saac ah dadkii laga daad gureeyay si loo xaqiijiyo in lakala furfuro oo la qaado bam toddobaadkan horraantiisii la helay oo la adeegsaday dagaalkii Labaad ee adduunka.

Dad lagu qiyaasay 18,500 oo ruux ayaa laga daad gureeyay Ludwigshafen oo ku taalla bartamaha dalka Jarmalka.

Bamkan oo hawada laga soo riday ayaa culayskeeda lagu sheegay 500kg, waxaana helay shaqaale dhismo.

Jarmalka waxaa wali ku jira bambooyin aan qarxin kuwaasoo ay soo rideen xulafadii Nazi-ga ka dhanka ahayd.

Waxaa la rumaysan yahay in Maraykanku uu bamkaas ganay intii uu socday Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Bishii Sabtembar ee 2017kii Frankfurt ayaa laga daad gureeyay 70,000 oo qof ka dib markii magaalada laga helay bam ay Britain soo gantay Dagaalkii Labaad ee Adduunka kaasoo aad u weynaa balse aan qarxin.

Blick auf Ludwigshafen von Mannheim

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -