Allbanaadir.com
NEWS

DEG DEG: Madaxweynihii hore ee Suudaan Al-Bashiir oo xabsiga laga sii daayey

Maxaabiis tiro badan oo ku jiro Madaxweynihii hore ee dalka Sudan Cumar Xasan Al Bashiir ayaa lagu soo warramayaa in laga sii daayey xabsiga Kubar oo ku yaalla Waqooyiga magaalada caasimadda ah ee Khartuum.

Warkan ayaa waxaa goor faafisay Wakaalada wararka ee Anadolu ee dalka Turkiga

Al-Bashiir ayaa xabsigan ku jirey tan iyo sannadkii 2019 kii ka dib markii xilka lagaga tuuray kacdoon dadweyne oo sababay afgembi ciidan oo ka dhacay dalkaasi.

Weli  lama faahfaahin halka uu tegay Al-bashiir iyo cidda amnigiisa damaanad qaaday, waxayna arrintani ku soo beegantay xili dagaalo culus ay ka socdaan magaalada Khartuum.

Al Bashiir oo muddo 30 sano ah xukumayey Sudan ayaa ka mid ahaa shaqsiyad ay sida weyn u raadinayso Maxkamadda dambiyadda dagaalka ee ICC.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo arrimo muhiim ah kala hadlay Espen Barth Eide

Cabdi Cade

Shacabka Muqdisho oo dareen cabsi leh lasoo daristay Xili Farmaajo xiligiisa dhamaaday

Cabdi Cade

Madaxweyne Trump oo markii ugu horeysay ka degay magaalada London (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---