Madaxweyne Cusub oo loo doortay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya

Golaha dhexe ee xisbiga dimuquraadiga shacabka Soomaalida Itoobiya ayaa doortay Madaxweyne cusub oo KMG ah uu yeelanayo dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee xarunteedu tahay magaalada Jigjiga.

Kulan ay yeesheen Xisbiga Soomaalida Itoobiya ayaa Madaxweyne u doortay Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar) , waxaa sidoo kale Cagjar loo doortay in uu noqdo kuxigeenka Gudoomiyaha xisbiga dimuquraadiga shacabka Soomaalida Itoobiya.

Masuulkan loo doortay Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa la sheegay in uu horey mucaarad ugu ahaa maamulkii uu hogaaminayay Madaxweynihii is casilay ee Cabdi Maxamed Cumar.

Madaxweynihii KMG ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Axmed Cabdi Maxamed ayaa muuqaal uu soo duubay ku shaaciyay in xisbigooda Madaxweyne u doorteen Mustafe Cagjar.

Ninkan loo doortay Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaan horey xubin uga aheyn xisbiga talada dowlad deegaanka Soomaalida hayay, waxa uuna ninkan kasoo shaqeeyay Hay’ada Qaramada Midoobay ee  UN-OCHA.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -