Wax ka barashada Galbeedka Afrika si loo dhiso xasillooni iyo amni?

Galbeedka Afrika waxay sameyneysaa horumar la taaban karo oo ku saabsan kobaca dhaqaalaha, dimuqraadiyadda iyo iskaashiga  gobolka.

In kasta  oo  dhawaanahan heerarka  sare ee rabshadaha, iskahorimaadka, daroogada, burcad-badeednimada iyo xagjirnimada ay sare u qaadeen welwelka ku saabsan horumarka mustaqbalka, dadaallada lagu dhisayo adkeysiga iyo  caqabadaha ayaa sidoo kale kor u kacay.

Waa maxay saamaynta guud ee u dhaxaysa  Sierra Leone, Liberia iyo Cote d’Ivoire?

 Dhammaan saddexda dal waxay ku yaalliin gobolka Galbeedka Afrika waxayna ku guuleysteen inay ka baxaan dagaallada sokeeye iyo khilaafaadka waaweyn, iyagoo na  siinaya casharro ku saabsan dhisidda adkeysiga iyo caqabadaha.

Ka sokow doorka muhiimka ah ee hogaaminta adag, khibradooda waxay muujinayaan ahmiyada ururada samafalku ay ka geysanayaan dib u dhiska xarumaha iyo wax ka qabashada cabashooyinka ka dib isku dhaca  siyaasadeed.

Qodobada ugu mhiimsan si loo wanaajiyo xasiloonida iyo nabada muddada fog waxaa ka  mid ah

1.jiheynta dadaallada horumarineed meelaha muhiimka ah

2. xoojinta nidaamyada dowlada hoose ,gaar ahaan baahinta siyaasadaha .

3. yareynta cabashooyinka la xiriira maareynta warshadaha wax soo saarka .

4. maamulka hagaajinta socdaalka iyo xuquuqda soogalootiga

5. hagaajinta rajooyinka mustqabalka ee dhalinyarada .

6.taageridda dib-u habeynta waaxda amniga iyo kor u qaadista cadaaladda iyo ku dhaqanka sharciga.

Maxaan kaga dayan karna si aan ugu baxno dhibka na haysta hadii aynu nahany somaliya , waxaan ognahay wadamada afrika in badankood soo maray dagaal sokeeye, lknsa dadaal dheer way ka baxeen Hadii aynu nahnay soomaliya wadankena waxa ka taagan wax u baahan in aan kaga dayano wadamada galbeedka afrika dhaca oo ka baxay dhibka haysatay in muddo ah oo manta na heysto anaga.

W/Q Khalid Abdihakim Ahmed (Khalid wadani )

khalidfarey@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -