Booliiska gobolka Banaadir oo lagu wareejiyay gaadiid cusub oo ay ku howlgalaan (Sawirro)

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Sulub Axmed Firin, ayaa maanta ku wareejiyay qeybta guud ee booliiska gobolka Banaadir gaadiid loogu tala galay in booliiska ku howlgalaa.

Gaadiidkan cusub ee ciidamada booliiska maanta lagu wareejiyay ayaa loogu tala galay in lagu xoojiyo amniga caasimada Muqdisho iyo deegaannada ku xeeran.

Taliyaha qeybta guud ee booliiska gobolka Banaadir G/Sarre Mahadi Cumar Muumin, ayaa sheegay in gaadiidkan lagu wareejiyay booliiska ka howlgala gobolka Banaadir uu wax badan ka tari doono howlgalada lagu xoojinayo amniga caasimadda.

Gaadiidka inta badan lagu wareejiyo booliiska gobolka Banaadir ayaa u gacan gala saraakiil ciidan oo u isticmaala danahooda gaarka ah, badalkii ciidamada ugu adeegi lahaayeen shacabka caasimadda.

- Advertisement -