Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Nin kufsi u geestay Meydadka Haween badan oo Xukun adag lagu riday

Maxkamad kutaala dalka Britain ayaa xukun xabsi daa’in ah ku riday nin lagu helay dilka labo haween ah iyo kufsi uu u geestay meydad gaaraya 100-qof ay ku jiraan caruur ku jirtay filinjeerka meydadka la galiyo.

David Fuller, oo 67 jir ahaa ayaa maxkamada Maidstone Crown ee la saaray ku heshay in uu dil bareer ah u geestay sanadkii 1987 labo haween ah oo lagu kala magacaabayay Wendy Knell iyo Caroline Pierce .

Ninkan oo ahaa injineer dhinaca korontada ah ayaa sidoo kale maxkamada ku heshay in mudo 12-sano ka badan kufsi u geesanayay meydadka lagu keydiyo isbitaalo uu ka shaqeenayay.

Garsooraha maxkamadda Mrs Cheema-Grubb ayaa sheegay in ninkan lagu xukumay inta noloshiisa ka harsan in xabsiga ku qaato, waxa ayna sheegtay ficilkii uu ninkan sameeyay dad badan murugo iyo uur kutaalo ku beeray.

Baaritaanka kiiska ninkan ayaa siddeeddii bilood ee la soo dhaafay ku baxday kharash gaaraya £ 1.5 milyan , waxaana baaritaanka kiiskan ka qeyb qaatay 150 saraakiil boolis oo si gaar ah loogu tabobaray la tacaalidda kiisaska noocan oo kale ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Ollanta Humala & Xaaskiisa oo xabsi dheer loo diray

Caydiid Ali

Saciid Ciise: “Madaxweyne Deni wuxuu Puntland ka mudan yahay sagootin heybad leh”

Caydiid Ali

Hey’adda qoxootiga Norway oo  dhaqaale siineysa dadka sharciga loo diiday ee …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---