Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Puntland oo diiday Ergayga gaarka ah ee Xassan Shiikh u Magacaabay Somaliland

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa wax laga xumaado oo aan l;a aqbali karin ku tilmaamay talaabadii uu Madaxweynaha Somalia Xassan Shiikh ugu magacaabay Ergayga cusub ee Arimaha Somaliland Cabdikariin Xuseen guuleed.

Dirir ayaa intaas ku daray in tallaabada uu qaaday Madaxweynaha Somalia ay tahay mid lagu dulminayo xuquuqda gobollada SSC, oo xilligan Somaliland dagaal kula jira.

“Waa wax laga xumaado in Madaxweyne Xassan Shiikh uu Ergay gaar ah u magacaabo gobolada Waqooyi, wax arrin waqooyi la yiraahdo ma jiraan” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta  Puntland Maxamuud Caydiid.

Dhinaca kale, Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa beeniyey eedeeymaha Somaliland ee sheegaya in Ciidamada Puntland ay qayb ka yihiin dagaalka Laascaanood.

“Waxaan ku celinaynaa in dowladda Puntland aysan wax lug ah ku lahayn dagaalkaas ay shacabku isaga difaacayaan xasuuqa maamulka Somaliland ka wadaan Laascaanood” ayuu yiri Maxamuud Caydiid.

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa sidoo kale argagixiso ku tilmaamay ciidanka Somaliland oo uu xusay iney xasuuq, burburin iyo barakicin ka geysteen Laascaanood.

Related posts

Siciid Deni oo beeray geedkii u horeeyay ee Beer loogu tala galay in ay noqoto aag cagaaran (Sawirro)

Cabdi Cade

Golaha amaanka ee QM oo kulan deg deg ah ka yeelanaya xiisada ka taagan Somalia

Caydiid Ali

AMISOM oo lagu wareejiyay Hub ay lahaayeen oo laga soo bad baadiyay Al Shabaab (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---