Allbanaadir.com
NEWS

Maxamed Jeesow oo is daldalay iyo Faah faahino dheeraad ah oo kasoo baxaya

Wararka ka imaanaya magaalada Baledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay wiil dhallinyaro ah oo lagu magacaabayay Maxamed Jeesow isku daldalay gurigooda oo kuyaalla xaafada Howl-wadaag.

Ehelada wiilkan ayaa sheegay in xalay xilli la doonayay in loo kiciyo suxuur la arkay isaga oo meyd ah isna daldalay, waxa ayna sheegeen in wiilkan aysan ku ogeyn xanuun dhinaca maskaxka ah in uu xarig qoorta gashtay iskuna dilay.

Wali lama oga waxa wiilkan dhallinyarada ah ku sababay in uu is dhaafiyo noloshiisa, waxa ayna eheladiisa sheegeen in aysan ku ogeyn wax dhibaato ah uuna salaada taraawiixda xalay soo dukaday.

Soomaaliya waxaa muddooyinkan dambe kusoo badanaya dadka is daldalaya, waxaana dhaqankan is daldalaada ah uu yahay mid aan looga baran dadka Islaamka ah lagana soo min guuriyay dad aan muslim aheyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dalal ay Soomaaliya ku jirto oo loogu deeqay lacag gaareysa $45 Milyan

Caydiid Ali

Imaaraadka oo ku dhawaaqay inuu hawada sare ka samayn doono sahan ballaaran

Cabdi Cade

Daawo Sawirrada : Khasaaraha kasoo gaaray Hotelka Tawakal weerarkii Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---