Hormuud Salaam Foundation oo deeq lacag ah gaarsiisay xarunta Maamo Ugaaso (Sawirro)

Hormuud Salaam Foundation ayaa deeq lacageed waxa ay gaarsiisay xarunta maama ugaaso oo lagu xanaaneeyo Caruur lagasoo kala aruuriyay wadooyinka muqdosho kuwaasi oo ahaa darbi jiif.

Deeqdaan oo isugu jirta lacag iyo timir ayaa hay’adu ugu tala gashay in wax loogu qabto baahiyaha ka jira xarunta oo lagu daryeelo caruurta danyarta ah oo ku taala magaalada Muqdisho.

Gudoomiye Ku xigeenka hay’ada Hormuud Salaam Foundation Raaxo Xuseen Xirsi oo ka hadlay munaasabada deeqda lacagta ayaa sheegay in lacagtan loogu talagalay in wax looga qabto xarunta maadaama lagu jiro busha barakeysan ee ramadaan.

Siraad Maxamed Nuur Maamo Ugaaso oo xanaaneesa caruurtan ayaa kaga mahad celisay hay’adda Hormuud Salaam Foundation deeqda lacageed oo ay soo gaarsiisay iaydoo tilmaamtay inay tahay hey’ada kaliya ee soo xasuusata marka la gaaro bisha barakeysan ee ramadaan.

Caruurta lagu haayo xarunta oo hada barta quraanka ayaa uga mahad celiyay hormuud salaam foundation booqashada ay soo booqatay.

Hormuud Salaam Foundation waxaa maalmihii la soo dhaafay ay ka wadeen gudaha Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, gargaar isugu jira raashin iyo lacag waxaana ka faa’iideystay dad aad u fara badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -