Khasaaro badan oo dhimasho oo ka dhalatay Duufaan ku dhufatay Mareykanka

Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho ee ka dhashay duufaan xooggan oo ku dhufatay gobolo katirsan dalka Mareykanka, duufaantan ayaa sidoo kale sababtay bur burka guryo badan oo dalkaasi ku yaallay.

Dad ka badan 20-qof ayaa ku dhimatay duufaanta ku dhufatay magaalooyin ku yaalla koofurta iyo galbeedka dalka Mareykanka, waxaa sidoo kale duufaantan sababtay in dad kale badan ku dhaawacmaan kuna bur buraan dhismayaal badan.

Duufaantan khasaaraha badan ka geesatay dalka Mareykanka ayaa si gaar ah u saameesay gobolada Arkansas, Tennessee, Illinois, Indiana, Alabama iyo Mississippi, waxaana jira goobo kale ay suurto gal tahay in duufaanta waxyeelo ka geesato.

Dalka Mareykanka gobolada kuyaalla ee saameysay duufaanta xooggan ayaa mar kale laga cabsi qabaa in khasaarooyin kale ka geesato, waxaana guryahooda ka barakacay dad badan oo duufaanta noloshooda saameyn ku yeelatay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -