Darawal Mooto bajaaj oo lagu qeybo ka mid ah Muqdisho iyo caro ka dhalatay

Askari ka tirsan ciidmada dowladda ayaa galabta ku toogtay xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa darawal ka mida dhalinyarada ku xamaasha Gaadiidka Bajaajka

Wararka ayaa sheegaya in askariga toogtay darawalka bajaajlaha uu ka mid yahay ciidankii dhawaan laga keenay tababarkana ku soo dalka Uganda.

Ciidankan waxaa la geeyay xera ku taalo inta u dhaxeyso degmada Balcad & xaafada Suuqa Xoolaha taasoo aan aheyn xerada Maslax oo ay ku jiraan ciidankii laga keenay Eritrea.

Weli ma cadda qaabka uu ku yimid dilka askariga u geystay bajaajlaha iyo halka uu ku dambeeyey askariga dilka geystay.

Dadweyne ka careysan dilka bajaajlaha ayaa xiray wadada dhexmarta xaafada Suuqa xoolaha, iyagoo jidka ku gooyey taayero la gubay, xaalada degaanka ayaana kacsan.

Maamulka degmada Heliwaa iyo laamaha amaanka DF ayaan weli war ah ka soo saarin dilkan oo qeyb ka ah dilal badan oo mudooyinkan askar ka tirsan DF kula kaceen darawalo bajaajlayaal ahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -