Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaan katirsanaa Baarlamaanka Kenya oo u geeriyooday Dhaawac soo gaaray

Xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka dalka Kenya ayaa ku geeriyooday isbitaal lagu daweynayay oo kuyaalla magaalada Nairobi, kaddib markii uu dhaawac culus kasoo gaaray shil mooto.

Xildhibaanka geeriyooday oo lagu magacaabay Kullow Macalin Xassan ayaa markii labaad ahaa xildhibaan laga soo doortay deegaanka Banisa ee waqooyi bari Kenya, waxa uuna kamid ahaa xubnaha saameynta leh oo baarlamaanka kamid ah.

Warbaahinta dalka Kenya oo soo xigatay ehelada xildhibaanka ayaa sheegay in mooto si xowli ah ku socotay ku dhacay Sabtidii xildhibaanka, waxaana dhaawaciisa la geeyay isbitaal lagu daweenayay.

Xildhibaanka ayaa la sheegay inuu dhaawaca soo gaaray u geeriyooday habeenimadii Talaadada, waxaana geerida xildhibaanka aad uga naxay eheladiisa iyo xubno badan oo katirsanaa baarlamaanka Kenya.

Xildhibaano katirsan baarlamaanka dalka Kenya ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid xildhibaan Kullow Macalin Xassan , waxa ayna xildhibaanada ilaah uga baryeen in dambigiisa dhaafo jannadii fardowsana ka waraabiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dhaqtarad safka hore ugu jirtay dagaalka ka dhanka ah Caronvirus oo is dishay

Cabdi Cade

Doorasho maanta ka dhacday xarunta Villa Hargeysa iyo xubnaha kusoo baxay (Sawirro)

Cabdi Cade

Somaliland oo si kulul uga jawaabtay hadalkii Wasiir Fiqi

Caydiid Ali
Taboola Ads ---