Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaan ku geeriyooday magaalada Muqdisho iyo Madaxweyne ka tacsiyadeeyay

Waxaa shalay galinkii dambe Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan Axmed Sheekh Yuusuf (Galti) oo katirsanaa Baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Galmudug.

Xildhibaan Axmed Galti ayaana mudooyinkii dambe ku xanuunsanaa magaalada Muqdisho, waxa uuna shalay ku geeriyooday isbitaalka oo loo geeyay in xaaladiisa caafimaad wax looga qabto  .

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Xildhibaan Axmed Sheekh Yuusuf (Galti), waxa uuna ilaah uga baryay in janadii fardowsa ka waraabiyo marxuumka.

Xildhibaanka geeriyooday ayaa kasoo mid ahaa Baarlamaankii koobaad ee Galmudug iyo kan hada jira, waxa uuna kamid ahaa dadka u taagnaa Galmudug noqoto maamul muuqda oo ka gudba caqabadaha la degay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Trump oo dacwad ka dhan ah guusha Biden geeyey Maxkamada sare

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo shaacisay dadkii ugu badnaa ee laga helay Coronavirus

Caydiid Ali

(Sawirro) Nin nolosha ku gubay gabar xiriir Jaceyl u jartay iyo caro ka dhalatay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---