Dowlada Itoobiya oo ku hanjabtay in ay dib ula wareegi karto magaalada Makalle

Ciidamada federaalka Itoobiya ayaa labo maalin kahor isaga baxay magaalada Makelle ee caasimada ismaamulka Tigrey, waxaana magaaladaasi saacado kadib dib ula wareegay Jabhada TPLF oo horey gacanta ugu heesay.

Wasiir kuxigeenka arrimaha dibadda Itoobiya, Redwan Hussien oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka war bixiyay ka bixitaanka ciidamada federaalka magaalada Makelle iyo sidoo kale xabad joojintii ay ku dhawaaqday.

Waxa uu shegay Wasiirka in magaalada Makelle uga baxeen arin siyaasadeed balse aysan uga bixin arin milatari darteed, waxa uuna xusay in ciidamada federaalka ay maalmo gudahood awoodaan in ay dib ugu laabtaan magaalada Makelle ay hada maamulaan TPLF.

Redwan Hussein ayaa sheegay in Itoobiya ay baylahan tahay weerar kaga yimaada shisheeeye, sababo la xiriira dagaalka ka socda Tigrey, mana shaacin Wasiirka shisheeyaha weerarka uga imaan karo oo warbaahinta qaar ku tilmaameen in Sudan kala jeedo.

Masuulkan u hadlay Xukuumada Ra’isul Wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in sababaha dowlada ugu dhawaaqday xabad joojinta ay tahay go’aan siyaasadeed oo loo qaatay dhinaca bini’aadanimada .

Jabhada TPLF ayaa dhankeeda sheegtay in xabad joojinta dowlada ku dhawaaqday ay tahay kaftan, waxa ayna kooxdan ku hanjabtay in ay dib ula wareegi doonaan dhamaan deegaanada gobolka Tigrey ee gacantooda ka maqan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -