Madaxweyne Putin oo booqday Crimea iyo Mariupol Xilli Maxkamadda ICC amartay in lasoo xiro

Madaxweynaha dalka Raashiya, Vladimir Vladimir uu booqasho lala yaabay ku tegay magaalladda Mariupol ee Gobalka Donbas ee dalka Ukraine, oo ay Milliteriga Raashiya ku qabsadeen dagaal lagu riiqmay bishii May ee sanadkii hore ee 2022-kii.

Madaxweyne Putin waxa uu Helikobtar ku dul maray Magaalladaasi, sida ay baahiyeen Wakaalladaha Wararka ee Raashiya.

Waxa uu socod ku tegay dhowr Degmo oo ka tirsan Mariupol, isagoo la kulmay, lana hadlay dadka Deegaanka ee dib ugu soo laabtay magaalladdaasi.

Warbaahinta Raashiya Raashiya soo bandhigeen Muuqaalo muujinaya Madaxweyne Putin oo xilli Habeen Gaari ku dhex wata deegaan la dhisay, waxayna booqashadiisa Mariupol timid hal maalin kadib, markii uu Sabtidii shalay uu booqasho aan la shaacinin ku tegay Gacan-biyoodka Crimea ee kaabiga ku haysa Badda Madow.

Booqashadiisa ayaa ku soo beegantay 9 guuradii ka soo wareegtay markii ay Milliteriga Raashiya qabsadeen Crimea sanadkii 2014-kii.

Si kastaba, Socdaalka uu Madaxweyne Putin ku marayo Dhulalka La-haysto ee Ukraine waxay ku soo beegantay 2 maalin kadib, markii ay Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ee ICC soo saartay Amar lagu soo xirayo Madaxweyne Putin oo lagu eedeynayo inuu si aan Sharci ahayn Kumanaan Muwaadiniin u dhashay dalka Ukraine u daad-gureeyey gudaha dalkiisa Raashiya.

Madaxweyne Putin weli kama hadlin Amarka ka soo baxay Maxkamadda ICC ee isaga lagu soo xirayo.

W/T Ustaad Nuradin Abuukar

- Advertisement -