Maxkamada ICC oo amartay in la soo xiro Putin iyo Ruushka oo jawaab adag bixiyey

Maxkamadda dembiyada dagaalka ee ICC ayaa soo saartay waaran soo qabasho ah oo ku socda madaxweyanaha dalka Ruushka Vladimir Putin kaas oo ay sheegtay in loo haysto eedo ka dhana xaquuqda Aadanaha oo uu ka geystay waddanka ay ciiddamadiisu ku duuleen ee Ukraine.

Maxkamadda ayaa sheegtay in Putin uu masuul ka yahay waxa ka dhacay Ukraine taa darteedna uu ku lug lee yahay dembiyo dagaal iyo weliba askaraynta caruur aad u yar yar.

Maxkamadda fadhigeedu yahay Hague ee ICC ayaa sheegtay in sidoo kale ay soo saartay amar soo xiritaan oo ka dhan ah Maria Lvova-Belova, oo ah wakiilka madaxweynaha Ruushka ee xuquuqda caruurta, oo Iyana loo haysto eedyemo la mid ah kuwa Putin.

Russia xubin kama ahan ICC. Ma cadda sida ay ICC u qorsheyneyso inay u dhaqan-geliso amarka.

ICC ayaa sheegtay in dambiyada ay soo billowdeen 24-kii Febraayo 2022, markaasi oo Ruushka uu ku duulay Ukraine.

“Waxaa jira sababo macquul ah oo lagu aamino in Mr Putin uu qaadayo mas’uuliyadda shakhsi ahaaneed ee dambiyada aan xusnay,” ayaa lagu yiri bayaanka ICC.

Moscow ayaa ku gacan sayrtay go’aanada ICC, kuna tilmaamtay “inaysan wax macno ah la hayn.”

“Go’aanada Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) wax macno ah kama lahan dalkeena, oo ay ku jirto marka laga eego dhanka sharciga,” waxaa sidaas tiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Ruushka Maria Zakharova.

“Russia qeyb ka ahan Axdiga Rome ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada, mana jiraan wax waajibaad ah oo saaran,” ayey ku dartay.

“Ruushka lama shaqeeyo hay’addan, islamarkaana amar kasta oo xarig oo ka yimaada maxkamadda caalamiga wuxuu sharci ahaan noqon doonaa mid aan ka jirin dhankeena,” ayey tiri ayada oo aan xusin magaca Putin.

Dhinaca kale, Ruushka ayaa ku hanjabtay inay burburin doonto diyaaradkasta ee dagaal ee ay Ukraine siiyaan xulafadeeda, kaddib markii laba dal ay ballanqaadeen inay bixin doonaan diyaarado.

Waddanka Slovakia ayaa noqday dalkii labaad ee Nato ka tirsan ee Kyiv u ballanqaada inuu siinayo diyaaradaha dagaalka ee MiG-29, warkan oo soo baxay Jimcihii maalin uun kaddib markii Poland ay taageero noocaas oo kale ah fidisay.

Dowladda Slovakia ayaa sannadkii la soo dhaafay joojisay isticmaalka diyaaradahaas kuwaas oo haatan iska yaal garoomada.

Dowladda Ukraine ayaa dalalka reer Galbeedka waxa ay waydiisatay diyaarado dagaal oo casri ah, hasayeeshee tababarka oo waqti dheer qaadanaya ayaa arrintaas loo arkay in faa’iidadeeda la heli doono mustaqbalka fog uun.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -