Allbanaadir.com
NEWS

Shirweyne ka socday Muqdisho oo Caawa lasoo gunnaanaday (Daawo Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa soo xiray Shirweynaha Waxbarashada Qaranka oo lagu soo gunnaanaday Muqdisho.

Shirkan oo socday muddo shan cisho ah, oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare XFS oo ay ka qeyb galeen bahda waxbarashada dalka mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, ayaa lagu soo bandhigay warbixin guud ee ku saabsan xaalada waxbarashada, nidaamka iyo maamulka dalka.

Shirka ayaa lagu soo bandhigay cilmi baaris iyo dib u eegista lagu sameeysay hannaanka waxbarasho ee dalka iyo. Cilmi baariyaal ka tirsan bahda qalinleyda Soomaiyeed, ayaa ahmiyada koowaad siiyeen in mudnaanta la siiyo ardayd caruurta ah, waxbarashada caruurta barakacayaasha, waxbarashada reer miyiga, tayeynta iyo mideynta manhajka waxbarashada dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo ugu dambeyn soo xiray shirweynaha qaranka ee waxbarashada isla-markaana khudbad muhiim ah ka jeediyay ayaa sheegay in shirka waxabarashada qaranka ummadda Soomaaliyeed ay aad uga farxeen, isagoo xusay in waxbarashada lagu daro farsamada gacanta lana horumariyo, si dalkeenna uu tartan ula galo adduunka kale. Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyn tilmaamay in Wasaaradda ay xal u keento caruurta jidadka ku isticmaala maandooriyaha loona furo dugsiyo waxbarasho oo noloshooda lagu kaabaayo.

Related posts

Kulan xasaasi ah oo Muqdisho uga socda RW Rooble & Musharax C/raxmaan C/shakuur

Caydiid Ali

Iran oo Farriin hanjabaad cabsi galin ah u dirtay Boqortooyada Sacuudiga

Cabdi Cade

Puntland oo War kasoo saartay Dagaalka Laascaanood iyo khasaaraha ka dhashay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---