Allbanaadir.com
NEWS

Aas balaaran oo Garawe loogu sameeyay Janaraal Cabdisamad Cali Shire (Sawirro)

Magaalada Garawe ee caasimada dowlad Goboleedka Puntland waxaa aas balaaran loogu sameeyay Madaxweyne Ku-xigeenkii horeĀ  PuntlandĀ  Janaraal Cabdisamad Cali Shire oo shalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Aaska waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha PuntlandĀ  Siciid Cabdullaahi Deni kuxigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Guddoonka Baarlamaanka Puntland, Goleyaasha Dowladda, Saraakiil, madax-dhaqameed, cullimo, siyaasiyiin.
Madaxweyne Deni iyo dhammaan masuuliyiintii kasoo qayb-galay ayaa Alle SWC uga baryey Marxuumka Naxariistiisa Janno, waxa ay ku booriyeen ummadda Soomaaliyeed inay iska cafiyaan Marxuumka, una duceeyaan.

Related posts

Ciidamo Kumandos lagu soo tababaray Turkiga oo Muqdisho lagu soo dhoweeyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Qoorqoor oo la kulmay Wasiiro & Xildhibaano ka tirsan DF (Sawirro)

Caydiid Ali

Saadaq Joon oo goordhaw loo doortay Xildhibaan katirsan Gollaha Shacabka (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---