Shirkii ka Socday Teendhada Afisiyooni oo dib u furmay iyo Dabkii oo la damiyay

Waxaa dib u furmay shirkii looga hadlayay wax-baarashada dalka ee ka socday teendhada Afisiyooni, kaas oo saacado hakad galay, kaddib markii uu dab ka kacay qeyb kamid ah hoolka shirka ka socday.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo masuuliyiin kale oo horey looga saaray teendhada ayaa dib loogu celiyay, waxaana halkaasi ka socda khudbado ee jeedinayaan madaxda shirka ka qeyb galeysa.

Shirkan maanta ka furmay magaalada Muqdisho ayaa looga hadlayaa wax-barashada dalka iyo sidii sare loogu qaadi lahaa, waxaana shirka lagu soo bandhigayay buug dhinaca waxbarashada ka hadlaya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaana si rasmi ah u furay shirkan oo dhowr maalmood socon doona, waxaana gabo gabada shirka laga soo saari doonaa war-murtiyeed dhinacyo badan taabanaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -