Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland oo gaaray Jigjiga, ka dibna u gudbay..

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif oo safar dhulka ah kaga ambabaxay magaalada Laascaanood ayaa gaaray magaalada Jigjiga.

Cabdirisaaq Khaliif ayay wararku sheegayaan Jigjiga uga sii gudbay dhanka Magaalada Addis Ababa oo la filaayo inay ka furmaan wadahadalada Dawlada Itoobiya dhaxdhaxaadinayso oo la iskugu keenayo dhinacyada ku dagaalamaya Laascanood.

Ciidamo la sheegay iney ka tirsan yihiin kuwa Liyu boolis ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa la sheegay iney ilaalo ka hayeen gaariga uu la socday gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland intii uu ku sii jeeday Jigjiga.

Arrintan ayaa ku soo beegantay xili Somaliland ay ku eedeysay dowlad degaanka Soomaalida iney qeyb ka tahay dagaalka ka socda Laascaanood inkastoo madaxda Jigjiga ay iska fogeysay eedeyntaas.

Gudoomiyaha  oo ka soo jeeda gobolka Sool ka soo horjeestey dagaalka Somaliland ka wado magaalada Laascaanood, isagoo dhowaan si cad ugu eedeeyey Madaxweyne Muuse Biixi inuu hurinayo dagaalkaas, uuna is hortaagay dedaal kasta oo lagu doonayey in xal looga gaaro.

Itoobiya ayaa door dhexdhexaadin ka wada dhinacayada SSC iyo Somaliland

Madax dhaqameedka Dhulbahante ayaa diiday inay wax wadahadal la galaan maamulka Somaliland, waxayna ku adkaysteen in marka hore ciidankooda kala baxaan Laascaanood iyo nawaaxigeeda.

Hase ahaatee socda dadaalo nabadeed oo lagu raadinayo in xiisada lagu qaboojiyo Ilaa haddana xabad joojin rasmi ah ma jirto, labada ciidana waxay isku hor fahiyaan qeybo ka mid ah hareeraha magaalada Laascaanood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -