Allbanaadir.com
NEWS

Qarax goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Waxaa goordhaw qarax nuuca gaadiidka hoosta looga xiro oo jugtiisa si weyn looga maqlay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa ka dhacay degmada Xamar Weyne gaar ahaan  isgoyska Via-Roma.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in qaraxa uu ahaa mid lagu xiray gaari raaxo oo hareeraha waddada yaalay, waxaana xilliga qaraxa dhacayay la sheegay in gaariga uusan saarneyn darawalkii watay.

Inta la xaqiijiyay hal qof oo shacab ah oo la sheegay in ay aheyd haweeney mooto bajaaj saarneyd ayaa qaraxa ku dhaawacantay , waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray ciidamo katirsan dowladda oo baaritaano sameeyay.

Qaraxyada gaadiidka raaxada hoosta looga xiro ayaa mararka qaar ka dhaca magaalada Muqdisho  , waxaana qaraxyadan inta badan waxyeelo xooggan gaarsiisaa darawalada wata gaadiidkaasi lagu xiro.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo diidan dibed-baxa Midowga Musharixiinta & Rooble oo go,aan geesinimo leh qaatay & Cumar Finish oo …

admin

Goolhayihii hore ee Xulka Kubada cagta Soomaaliya oo geeriyooday

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan oo Muqdisho ka furay Shir arrin muhiim ah diirada lagu saarayo (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---