Dowlada Somalia oo markii ugu horeysay ka hadashay khilaafka Jabuuti & Eritreya

Dowlada federaalka Somalia ayaa markii ugu horeysay ka hadashay khilaafka dhinaca xuduuda ah ee u dhexeeya dalalka Jabuuti iyo Eritreya.

Wasiirka arrimaha dibeda Somalia Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in dowlada Somalia ay ka xun tahay khilaafkaas, ayna wado dedaalo meel fiican maraya oo ay ku dhexdhexaadineyso labada dal.

“Wadahadaladu wey socdaan meel fiicana waa marayaan, waxaana rajaynaynaa inay miro dhalaan waqti aan fogeyn” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibeda Somalia.

Axmed Ciise Cawad oo wax laga weydiiyey caradii Jabuuti ay ka muujisay baaqii Madaxweyne Farmaajo ee ahaa in cunaqabateynta laga qaado Eritrea ayuu sheegay in arintaas ay iska arkeen Madaxweyne Geelle iyo raisul wasaare Khayre oo isku arkay dalka Sudan.

“Xiriirka walaalnimo ee ka dhexeeya Jabuuti iyo Somalia waa mid soo jireen ah oo aan ku xumaaneyn War-saxaafadeed mar la soo saaray, waxaanuna diyaar u nahay walaalahayo inaan ka qancino wax alla iyo wixii ay tabanayaan”  ayuu yiri wasiirka.

Hadalka wasiirka arrimaha dibeda ee Somalia ayaa ku soo aaday xili maalintii labaad uu booqasho ku joogo magaalada Muqdisho dhigiisa dalka Eritreya oo wararka qaarkood sheegayaan inuu hordhac u yahay booqasho Madaxweynaha dalkaas uu ku imanayo Somalia.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -