Wararkii u dambeeyey dagaalka Laaascaanod & ciidanka SSC oo War soo saaray (Sawirro)

 

Waxaa duihurnimadii maanta sii xoogeystay dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo ciidammada deegaanka oo tan iyo saaka ka socda dhinaca waqooyi bari ee Magaalada Laasacaanood.

Goob joogayaal ayaa sheegay in xabadda xoogeeda ay ka dhacayso meel magaalada u jirta qiyaastii 8 KM, waxaana aggaas ku yaalla saldhigga Goojacadde ee milateriga Somaliland.

Xoogaga SSC ayaa dhanka Dhoodida ee loo yaqaano Qurac dheer ka weeraray Ciidamada Somaliland.

Dagaalka ka bilowday dhinaca Dhoodida ayaa sida la sheegayo go’doon sii geliyay Taliska Ciidamada Somaliland ee Goojacadde.

Xogaha ayaa sidoo kale xaqiijinaya in Ciidamada Somaliland laga qabsaday gaadiid dagaal oo kala duwan, iyadoo dagaalka labada dhinac oo aad u culus uu marba marka ka danbaysa ku sii fidayo jihooyin ka baxsan furumihii hore.

Weli faahfaahin sugan lagama hayo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka socda.

Waxaa barakac horleh billaabay dadkii ku harsanaa gudaha magaalada Laascaanood, kuwaasoo ka baqanaya in mar kale lagu dul dagaallamo, iyadoo gudaha magaalada ay ku soo dhaceysay Madaafiic.

War saxaafadeed ka soo baxay guddida SSC-Khaatumo ayaa sheegay in dagaalka saaka ay bilaabeen ciidamada Somaliland oo ay sheegeen iney soo qaadeen weerar.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka SSC.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -