Shirkad Ganacsi oo la timid fikrad wannaagsan oo si weyn loogu ammaanay ! (Sawirro)

Shirkad ku taal Chengdu ayaa lagu amaanay fikrad lala dhacay oo ah in shaqo-doonaha iyo waraystaha ay xirtaan weji-gashi – si aysan isku arkin – sababta ayaa lagu sheegay inay ku doonayaan in looga fogaado nintooxsiga iyo eexda shaqo-doonayaasha lagu kala xusho. Waxaa intaas dheer, muuqaalka qofku shirkaddan gudaheeda wax micno ah kama gooyo.

Waxaana halkaas loogu quusdhabay gabar walba oo filkeeda ugu faani lahayd qurux iyo bilic. Taas cagsigeeda waxaa qofka lagu xushaa kartidiisa iyo aqoontiisa.

Muuqaalka dadka oo wejiyo xiran oo ku baahay baraha bulshada ayay shirkaddu ku sheegtay inay kaga gol lahayd in fursadda ay soo bandhigayso loo sinnaado oo aan qofka lagu qaadan muuqiisa.

Shiinaha waxaa xusid mudan inuu kamid yahay dalalka qarash ugu badan ku bixiya qaliimada isku qurxiska – sababta oo ah muuqaalka waa waxa ugu weyn ee agtooda laga qiimeeyo. Sida ay gabadhu u eg tahay waxay mararka qaar go’aamisaa shaqada ay heli karto.

Sawirada ayaa la yimid falcelimo kala duwan oo laga bixiyay sheekadooda. Qaar badan ayaa tilmaamay inayba xiiseynayaan inay maraan tijaabadan oo kale.

“Tani waxay muujinaysaa runtii sinnaansho,” ayuu yiri mid kamid ah dadkii faallada bixinayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -