Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shiikh Macalin ka ahaa dugsi Quraan oo caawa Magaalada Baladweyne lagu dilay

Xaafada Xaawa-taako ee Magaalada Beledweyne waxaa lagu dilay caawa Shiikh Macalin ka ahaa mid ka mid ah Dugsiyada Quraanka lagu barto ee magaaladaas ku yaalla.

Shiikhan oo magaciisa lagu soo gaabiyey Macalin Mowliid ayaa waxaa rasaas ku furay rag bastoolado ku hubeysan oo weerar ku soo qaaday

Ciidamo ka tirsan laamaha Amniga magaalada Beledweyne ayaa gaaray goobta dilku ka dhacay, kuwaasoo howlgallo baaritaano ah sameeyey inkastoo aysan ku guuleysan soo qabashada raggii dilka geystay.

Weli lama oga cida ka dambeysa dilka caawa Magaalada Beledweyne loogu geystay Macalinka, inkastoo dilalka noocan ah looga bartay kooxda Al-shabaab laamaha Amniga iyo Maamulka Magaalada Beledweyne ayaan sidoo kale weli ka hadlin.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii Magaalada Beledweyne ay Kooxo  hubeysan ay Magaalada Beledweyne kudileen Nabaddoon kamid ahaa Ganacsatada Magaalada Beledweyne.

Related posts

Wararkii u dambeeyey Gaza & tirada hubka Mareykanku siiyey Israel oo la shaaciyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiirada maamulka Koonfur Galbeed oo kulan deg deg ah yeeshay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Khayre Oo La Kulmay Guddiga Qaban qaabada Shirka Dib u heshiisiinta Galmudug (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---