Wasiirada maamulka Koonfur Galbeed oo kulan deg deg ah yeeshay (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed kulan deg deg ah ku yeeshay Golaha Wasiirada maamulkaasi, waxaana shirka Gudoominayay ku simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Kulanka ayaa inta badan looga hadlay xaalada kala guurka uu maamulka galayo iyo sidii looga gaashaaman lahaa in ay dhacaan wax isdaba marsi iyo ku takri fal awoodeed inta kala guurka lagu guda jiro.

Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay xaalada guud ee amniga Koonfur Galbeed iyo in wasaarad waliba wixii agab ah ay hayso, iyadoo qoraal ahaan ah u keenaan xafiiska ku simaha Madaxweynaha .

Sii-hayaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda KGS Mudane C/qaadir Shariif Sheekhuna ayaa faray golaha Wasiirada in ay dar dar galiyaan shaqada ay bulshada u hayaan.

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa xiligan ku jira mar xalad kala guur ah, waxaana dhawaan la filayaa in magaalada Baydhabo lagu doorto Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -