Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Maxaa ka soo kordhay xiisadii colaadeed ee saaka ka jirtay Magaalada Garoowe?

Islaan Ciise Islaan Maxamed oo ka tirsan Isimada Puntland ayaa wadahadal dheer ka dib ku guulaystay in magaalada Garoowe laga saaro ciidamo xalay soo galay oo diidanaa diiwaan gelinta doorashooyinka Puntland

Ciidamadan ayaa xalay la wareegay qayba ka mid ah magaalada, iyadoo talaabadaas ay dhalisay xiisad dagaal oo magaalada saameysay

Rasaas goos goos ah ayaa gelinkii danbe ee xalay ilaa saaka laga maqlay magaalada Garoowe gaar ahaanna nawaaxiga Jaamacadda PSU iyo dugsiga sare ee Gambool oo ka mid ah goobaha loo qorsheeyay diiwaan-gelinta.

Wararka ayaa xaqiijinaya in rasaastaas ay dhexmaraysay ciidamada diidan barnaamijka diiwaan-gelinta doorashooyinka iyo kuwa loo xilsaaray ilaalinta goobahaas ee daacada u ahaa Madaxweyne Deni

Warar kale ayaa sheegaya iney socdaan wada-hadal u dhexeeya labada dhinac oo ay gar-wadeen ka yihiin odayaasha iyo  waxgaradka inkastoo aan illaa hadda la sheegin wax natiijo ah oo la gaaray.

Related posts

Gudoomiyihii Shaqada laga joojiyay ee Yaqshiid oo Eedeymo culus loo jeediyay

Cabdi Cade

Raísul Wasaare Xamse Barre oo labo xil oo isa saaran u magacaabay Dr Hodan Cismaan Cabdi

Cabdi Cade

DEG DEG: Beesha caalamka oo War ka soo saartay dagaalka ka sii socda degmada Guriceel

Caydiid Ali
Taboola Ads ---