Warbaahinta Kenya oo loo diiday xaquuqda Baahinta Caleemo saarka Madaxweyne Ruto

Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya William Ruto ayaa lagu wadaa in beri oo talaado ah lagu caleemo saaro magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, waxaana caleemo saarka madaxweynaha ka qeyb galaya madax kala duwan iyo marti sharaf lagu casuumay.

Munaasabada caleemo saarka madaxweynaha Kenya ayaa loo diiday warbaahinta gudaha Kenya in ay si toos ah u baahiyaan, waxaana xaquuqda baahinta caleemo saarka la siiyay shirkadda Multichoice Kenya Ltd oo xiriir la leh shirkad laga leeyahay Koonfur Afrika .

Warbaahinta gudaha Kenya ayaa loo ogolaaday kaliya in xogta tabinta tooska ah ee munaasabadda caleemo saarka Madaxweyne Ruto ka qaadan karaan shirkadda la siiyay ee Multichoice Kenya Ltd .

Warbaahinta gudaha Kenya iyo wariyaasha ka howlgala ayaa si weyn uga hor yimid go’aankan loogu diiday in ay toos u tabiyaan munaasabada caleemo saarka, waxa ayna durba madaxweynaha cusub ku eedeeyay kala eexasho.

Kooxda warbaahinta William Ruto ayaa difaacday go’aanka waxay sheegeen in shirkadda la siiyay qanddaraaska baahinta munaasabadda ay qeybaha kale ee Afrika u gudbin doonto wararka la xiriira caleemo saarka madaxweynaha.

Warbaahinta dalka Kenya kuwooda ugu afka dheer ayaa horey loogu eedeeyay in aysan si fiican ula shaqeyn madaxweynaha la doortay ee dalka Kenya William Ruto intii ay socotay ololaha doorashada Madaxweynaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -