Aqalka Sare oo dood dheer ka dib ansixiyey sharci muhiim ah oo la horkeenay (Sawirro)

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiis 13-aad oo lagu meel mariyay Sharciga Korontada Qaranka.

Ajandaha kulanka maanta oo ahaa akhrinta labaad ee Sharciga Korontada Qaranka, ayaa dood iyo aragtiyo kadib wuxuu guddoomiye Timacadde, go’aamiyay in sharciga la ansixiyo maadaama aysan jirin qaladaad sharci oo ay tilmaameen Sanatarradu islamarkaana ay ku qancaan sida ay uga soo shaqeeyeen sharciga Guddiga Khayraadka Qaranka Aqalka Sare.

Kulanka oo salaad kadib la isku soo laabtay ayaa wadar ogol lagu ansixiyay Sharciga Korontada Qaran.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Jaamac Taqal Cabaas ayaa Sanatarrada Aqalka Sare uga mahad celiyay iyaga oo gudanaya waajibaadkooda Qaran sida ay u meel mariyeen sharciga Korontada Qanka oo muhiim u ah Dalka.

Sharcigan waxaa horey u ansixiyey golaha wasiirada DF iyo golaha shacabka baarlamanka federaalka Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -