Allbanaadir.com
NEWS

Iska hor imaad Khasaaro geestay oo ka dhacay Muqdisho iyo Faahfaahino kasoo baxaya

Waxaa duhurnimadii maanta iska hor imaad khasaaro geestay oo u dhaxeeyay ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya iyo kuwa hay’adda nabad sugida uu ka dhacay bar-koontarool oo kutaalla isgooska Siinay  ee magaalada Muqdisho.

Sida aan wararka ku helnay iska hor imaadka ayaa dhax maray ciidamo la socday Abaanduulaha guutada 4aad ee ciidanka xoogga dalka soomaaliya Col. Qataatow iyo ciidamo nabad sugida ah oo koontaroolka ku sugnaa.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in uu jiro khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac oo kala gaaray labada ciidan ee dagaalamay, lamana oga ilaa hadda khasaaraha dadka shacabka ah kasoo gaaray dagaalkan.

Ciidamada milatariga ayaana la sheegay in markii dambe goobta isaga tageen, waxaana goobta iska hor imaadka ka dhacay gaaray ciidamo katirsan nanad sugida iyo booliiska ay la socdaan saraakiil ciidan ,kuwaa oo bilaabay baaritaano ku aadan dagaalka dhacay.

Dowladda Soomaaliya ayaan wali ka hadlin iska hor imaadkan maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, lamana oga ilaa hadda waxa dhaliyay iska hor imaadkan khasaaraha dhaliyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Villa Somalia oo ka hadashay in Ciidankii ku maqan Eritrea Dagaalka Itoobiya ka qeyb galeen

Cabdi Cade

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo goor dhow ku geeriyooday Nairobi

Caydiid Ali

Cabsi lasoo daristay dadka degan guryaha dowladda ee Muqdisho kuyaalla

Cabdi Cade
Taboola Ads ---