Allbanaadir.com
NEWS

Xamse Barre oo Guddoomiyay kulan looga hadlay Caddaalad gaarsiinta Deegaannadii Al Shabaab laga saaray (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa guddoomiyey shirka Tiirka Caddaaladda iyo Garsoor Madax Bannaan oo diiradda lagu saaray sidii loo gaarsiin lahaa garsoorka deegaannada laga xoreeyey Al Shabaab oo ay bulshada baahida weyn u qabaan.

Wasaaradda Caddaaladda iyo Dastuurka oo kaashanaysa khubaro ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo bandhigay qorshaha xasillinta goobaha laga xoreeyey Al Shabaab sidii loo gaarsiin lahaa garsoor, si loo soo celiyo kalsoonida ay bulshadu ku qabaan nidaamka dowladnimada, maadaama deegaannadaas ay muddo badan argagixisadu ku maaamulaysay gacan arxandaran.

Wasaaradda Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka ayaa soo jeedisay warbixin la xiriirta tacadiyada ay ka geysteen Khawaarijtu goobaha laga xoreeyey.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay ka go’an tahay ilaalinta nafta, sharafka iyo maalka shacabka Soomaaliyeed, si taas loo xaqiijinaya ay muhiim tahay in la helo nidaam garsoor oo lagu kalsoonaan karo oo ay saldhig u tahay caddaaladdu.

Mudane Xamse ayaa sheegay in ay xoogga saarayaan sidii guud ahaan dalka looga hirgelin lahaa Garsoor Caddaalad ku dhisan, gaar ahaan goobaha dhowaan laga xoreeyey khawaarijta.

Related posts

Afhayeenka Cusub ee beelaha Hawiye oo maanta la caleemo saaray (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Muxuu Shiikh Aadan Madoobe kala hadlay danjire Kate Foster? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Masuuliyiin dhiirogelin ugu tagay Ciidamadii Al Shabaab ka saaray Janaay Cabdalle (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---