Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xassan Shiikh oo si kulul uga hadlay dagaalka Laascaanood iyo Xiisada Puntland (Daawo)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo jeediyey khudbad ku aaddan xaaladda colaadeed ee magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa ku baaqay in degdeg loo joojiyo dagaalka ka socda magaaladaasi isaga oo tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada ay dadkoodii ku wax yeeloobeen.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay muhiimadda in la tixgaliyo rabitaanka shacabka deegaanka xalkana loo maro hannaan wada-hadal iyo dib u heshiisiineed.

Madaxweynaha Xasan ayaa sidoo kale tacsi u diray Ehelada muwaadiniinta Soomaaliyeed dhibaatada soo gaartay,Madaxweyne Xasan ayaa yiri” Dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda hadaan ahay wax aan diyaar u ahay meelkasta oo Nabaddaas looga hadlayo iyo cidkasta oo Nabaddaas in ay ka hadasho jecel ba in aan garab taaganahay”.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa ku baaqay in waxgaradka, Siyaasiyiinta, ganacsatada, odayaasha dhaqanka iyo Culimadu gacan ka geystaan sidii loo joojin lahaa dagaalka isagoo dhanka kale faray in la dhigo hubka lana ixtiraamo rabitaanka dadka.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku baaqay in wada-hadal iyo isu-tanaasul lagu xalliyo xiisadaha siyaasadeed ee ka jira Puntland.

Madaxweyne Xassan ayaa carabka ku adkeeyey in aan marnaba la aqbali karin dhiig Soomaaliyeed oo daata. wuxuuna baaq u diray odayaasha dhaqanka, masuuliyiinta iyo dowlad goboleedka Puntland in ay ilaashadaan Nabadda xaliyaana wixii tabashooyin ah lagana fogaado in dhibaato dhacdo.

”Dowladda Federaalka marna ma aqbalayso in Mushkiladaha dhexdeena yaal lagu xaliyo qori” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

HOOS KA DAAWO HADALKA MADAXWEYNAHA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gabar 9 sano jir ah oo la kufsaday iyo Wararka ugu danbeeyay Safarkii Khayre ee Gaalkacyo & Xukun dil ah oo la fuliyay !!

admin

Sii hayaha Raisul Wasaaraha Somalia oo kormeeray Xabsiga dhexe ee Xamar (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Bangiyo waa weyn ku amray in maal galin ku sameeyaan Eeyaha Alabay !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---