Sii hayaha Raisul Wasaaraha Somalia oo kormeeray Xabsiga dhexe ee Xamar (Sawirro)

Sii-hayaha Ra’iisul wasaaraha dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar) ayaa maanta  kormeeray Xabsiga Dhexe ee dalka kaasi ee uu ugu kuur galayay xaalada guud ee xabsiga dhexe.

Marka uu gaaray xabsiga dhexe waxa uu salaam sharaf ka qaatay ciidamada oo goobta loogu diyaariyay waxaana sidoo kale ku soo dhaweeyay Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Generaal Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Sii hayaha ra’isulwasaaraha dalka ayaa warbixin ka dhageystay taliska Asluubta. Waxuu taliska asluubta waxaana uu kula dardaarmay dardargelinta qorshaha adkeynta amniga, xanaaneynta iyo horumarinta nolosha maxaabiista si loogu diyaariyo mustaqbal ifaya.

Dhowaan ayey aheyd markii weerar hubeysan uu ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ka dib markii qaar ka mid ah maxaabiista Al-shabaab ee halkaas ku xiran oo helay hub qarsoodi ah ay la dagaalameen ciidanka ilaaliya xabsiga, uguy yaraan 20 qof oo ka koobnaa maxaabiis iyo askar ayaana halkaas ku dhintay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -