Madaafiic caawa lagu weeraray Ciidamada Maraykanka ee jooga magaalada Baqdaad

Wararka laga helayo magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq ayaa sheegaya in dhowr gantaal ay ku dhaceen safaarada Maraykanku ku leeyahay woqooiga magaaladaas.

Ugu yaraan saddex gantaal nooca loo yaqaano hoobiyaha ayaa ku dhacay nawaaxiga safaarada Maraykanku ku leeyahay magaalada Baqdaad, iyadoo warar kale ay sheegayaan in madaafiic kale lagu weeraray saldhig ciidamada Maraykanka ee Balad oo ku yaalla isla magaalada Baqdaad.

Qaar ka ka mid ah Wakaaladaha wararka caalamka ayaa qoray in ugu yaraan sadex qof ay ku dhaawacmeen madaafiicda ku dhacday safaarada Maraykanka ee Baqdaad.

Dhinaca kale Xoogaga Xisbullah ee dalka ayaa soo saaray digniin culus oo la xiriirta in shacabku ay ka fogaadaan saldhigyada ay ciidamada Maraykanku ka joogaan dalkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -