Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Wasiirrada oo Caawa yeeshay kulan aan Caadi aheyn iyo Heshiisyo la Ansixiyay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre oo guddoomiyey kulan aan caadi ahayn oo caawa ay yeesheen Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda.

Golaha ayaa wadajir u ansixiyey Xeerka Gaadiidka Badda oo ay soo gudbisay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Hindise-sharciyeedka Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeysiga Soomaaliya oo ay soo gudbisay Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Buluugga ah iyo Heshiiska u dhaxeeya Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraatka Carabta ee ku saabsan Iskaashi militari iyo amni, iyo la dagaallanka argagixisada.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ku ammaanay Wasaaradaha soo diyaariyey xeerarka iyo heshiisyada ay ansixiyeen Golaha Xukuumaddu, waxa uuna tilmaamay sida ay muhiimka ugu tahay horumarka dalka.

Dhinaca kale, Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa uu bogaadiyey heshiiskii lagu gaaray shirkii dib u heshiisiinta Koonfur-Galbeed.

Ugu dambeyn Golaha ayaa uga tacsiyeeyay Dowladda Turkiga iyo shacabkeeda dadka ku dhintay dhulgariirka ku dhuftay waddankaasi, iyaga oo Alle uga baryay inta ku dhimatay naxariistiisa Janno, inta ku dhaawacantayna in caafimaad degdeg ah uu siiyo.

Photographer: Abdishukri Haybe
Photographer: Abdishukri Haybe
Photographer: Abdishukri Haybe
Photographer: Abdishukri Haybe
Photographer: Abdishukri Haybe
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Koox diimeed ka jirta bariga Afrika oo lagu daray liiska argagixisada Maraykanka

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo furay Kalfadhiga 5-aad ee Golaha Wakiiladda Jubbaland kana hadlay arrimo dhowr ah

Cabdi Cade

Ciidamo katirsan AMISOM oo la geenayo Xarunta Aqalka sare iyo Cabdi Xaashi oo ka hadlay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---